Ticker

6/recent/ticker-posts

MUHIIMADA ADEEGSIGA EMAIL-KA

 




Waxaan moduceena manta oga hadli donaa muhiimada aay ino leedahay isticmaalka ama adeegsiga Email-ka, kaas oo nolosheena wax badan ka badalay. Waxaan qormadeena ku soo qaadan doonaa qodobo yaryar ama talooyin kuwaas oo ku aadan dhalinyarada iyo waliba ardayda Soomaaliyeed, waliba jiilka dhexe,kuwooda waxbarashada dhameeye, iyo guud ahaan dadka wawayn. Qodobadaan ayaa ah aasaasiyad, xirfado waliba aad aasaasi u ah kuwaas oo quseeyo Computer-ka ama Technology-ad, taas oo aay tahay qof kasta oo Soomaali ah ama arday ah ama dhalinyara ah iney waajib ku ahaato mid si shaqsi ah u saamaneysa in uu qof kasta barto. Dabcan qodobada aan ka hadlaya dhamaantood fura ayay leeyihiin,furahaas waxa weyaan inaad lahaatid luuqaad ka baxsan luuqadaada Soomaaliga. Sidaan ognahay dadka waxbarashada muhiimada siiya maalgaliya ayana Culuumta (art), iyo Sayniska (science) go’aan keeda gaara saas darted in aad garaneyso ama aad taqaano Af-Carabi ama Af-English waa laga marmaan, si xirfadaha aan ka hadlayo mid kamid ah ay kuu anfacdo. Luuqadaas ma’aha in aan ku leeyahay marka aan Soomaaliga nahay  in aad ugu dhawaaqdid sida qofka luuqadaas u dhashay,balse waa inad tahay mid fahmi kara, akhrin kara, baahida markas heysata oo aas aasigana ku xalisan kara. Hadaba qodobadeena waxaa ugu horeeya:

 

·       Email – email in laguu soo diri karo, adigana aad dirsan kartid,inaad meel kala xariiri kartid kaas oo aad ku fushan kartid baahiyahaaga. Waxaa laga yabaa inad marar badan la kulantid inad archi (waraaq) qoratid taas oo aad posta ku dirtid,dabcan mantay kama jirto dalka, ama gayiga Soomaaliyeed, ama hadad xafiis tagtid maanta waraaqad qoratid, waraaqada way fududahay in ay dhunto ama mararka qaar qofka aad rabto in aad fariintaada gaarsiisid hebelow iiga gaarsii ma dhihi kartid. Qof ayaad rabtaa in aad la hadashid, macalin ayaad rabtaa in aad wax u dirsatid, jaamacad ayaad dooneysa in aad la xariirtid, waa in aad taqaana ugu yaraan email sida loo qoro, horta in aad email la haatid, sida loo helo iyo waliba sida loo adeegsado. Waa xirfad aay sahlantahay laakin se aay tahay qof kasta oo Soomaali ah in uu lahaado.

 

·       Microsoft Office

 

1-      WORD – waxaad ku qoran kartaa qoraalo caadi ah, buug ayaad ku diyaarsan kartaa, sido kale waxad ku diyaarsan kartaa howla badan oo aan xagaan lagu soo koobi Karin.

2-      EXCELL – waxaad ku diyaarsan kartaa wax walba oo la xariira xisabaadka.

3-      POWERPOINT – waxaad u adeegsan kartaa in aad ku soo jeedisid Lectures. 


·       Cloud Programmers – waxaan ognahay dad badan, ama aad adiguba la kulantay iyo dadka kugu heerarsan dhamaantood inad kala kulantay iyaga oo marar badan ka eed sheeganaya xogta aay kaydsadeen in aay ka dhuntay, taas oo sababi karta in uu qofka madax xanun ku dhaco iyo waliba niyad jab. Cloud programming ka aan ka hadleyno waxaa kamid ah:

 

1-      GOOGLE DRIVE

2-      ONE DRIVE

Barnaamijyadaan waxa aay kaa caawinayaan in aad xogtaada ku keydsato adiga oo aan cabsi qabin in aad xogtaada weydo, dunida meesha aad ka tagtana waad ka isticmaali kartaa kaliya waxaad u baahantahay Computer ama Mobile iyo Internet.

 

·       Wetransfer / Dropbox / Google drive – waa inad ka dheeraatid ama aad iska yareysid inta awoodaada ah isticmaalka Flashes (USB) computer ka inta la galiyo mid kale loo wareejinayo. Marar badan waxaa jirta in la isku diro viruses kala duwan oo dhibaata ba’an u keeni kara talefoonadada iyo computeradada iyo wixi la halmaala, hadii aad internet heysatid waxaad adeegsan kartaa website-yada aan kor ku soo xusnay, halkaas oo xogta intaad ku shubatid aad email ahaan u diri kartid.

 

·       Search Engines – in aad aqoon u leedahay oo taqaanid meelaha wax laga baaro sida Google chrome, Bing iyo wixi la halmaala in xogta aad u baahantahay markas aad baaran kartid mar walbana waxaa muhiim ah luuqaada aad wax ku baareysid, waa inaad taqaana xog marka aad raadineysid adiga oo aan cid kale wax weydiin.

 

·       Google Keep / One Note – waxey kuu fududeynayaan marar badan inad macluumaadkaaga ku keydsato. Sido kalana waxaad ku qoran kartaa To Do List (howl maalmedkaaga), ama qorshayashaada (Goals).


Post a Comment

0 Comments